Xildhibaan Fiqi:- "Madaxweeyne Farmaajo Waxa Uu Wasaaradda Gaashaandhigga U Degay In Uu Dalka Af-Gembi Ku Qabsado.
Xildhibaan Axmed Fiqi Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Baarlamaan-ka Soomaaliya Ee Kasoo Horjeeda Hanaan-ka Siyaasadeed Ee Madaxda Dalka Aay Weerar Afka Ah Ku Qaaday Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaal-ka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo Shaqooyin-kiisii Madaxtooyada U Wareejiyay Wasaaradda Gaashaan Dhigga Soomaaliya.
Xildhibaanka Ayaa Sheegay In Madaxweyne Farmajo Uusan Wali Soo Kala Dhex Galin Khilaaf-ka U Dhaxeeyo Xubnaha Baarlamaan-ka Soomaaliya.
Waxa Uuna Mar Kale Sii Yiri "In Ka Badan 15 Maalmood Waxaa Soo Jiitamaayay Khilaaf U Dhexeeyay Baarlamaan-ka, Madaxweeynaha Waxa Uu Aaminsan Yahay In Wax Waliba Lagu Dhameeyo Xoog Iyo Inqilaab (Af-Gambi), Waxaana La Rabay In Uu Khilaaf-kaan Kusoo Baxo, Hadii Uusan Kusoo Bixine, Wuu Ku Jiraa Ololaha Xilka Qaadista Jawaari, Waan Is Ognahay Waxa Uu Gaashaan Dhigga U Degay Waa In Uu Dalka Xoog Ku Qabsado Ama Af-Gambi".
Xildhibaan Fiqi Ayaa Si Cad U Sheegay In Madaxweeyne Farmaajo Uu La Saftay Xukumadda , Asiga Oo Sheegay In Sanad-kii 2010 Uu Khilaaf Nuucaan Ah Dal-ka Ka Dhacay, Madaxweeynihii Xiligaas Joogayne Si Hoose Wax U Xaliyay, Balse Madaxweeyne Farmaajo Uu Raali Ka Yahay Khilaaf-ka Golaha Shacab-ka Waa Sida Uu Yiriye Xildhibaan Fiqi.