War Deg Deg:

Taalibaan Oo Go'aan Ka Soo Saartay Saraakiisha Dowladdii Ashraf Ghani.

Like Saar

 Kooxda Taalibaan Ayaa Cafis Guud U Fidisay Dhammaan Mas’uuliyiinta Dowladdii Afghanistan, Iyagoo Ku Boorriyay Inay Ku Laabtaan Shaqada Iyaga Oo Qaba “Kalsooni Buuxda”.

"Cafis Guud Ayaa Loo Fidiyay Dhammaan ... Marka Waa Inaad Dib U Bilowdaa Nolol Maalmeedkaaga Si Weliba Ay Kalsooni Buuxda Ku Jirta," Ayay Qortay AFP, Iyadoo Soo Xiganaysa Bayaan Ka Soo Baxay Taliban.

Waxay Ku Soo Beegmaysaa Iyadoo Ay Jirto Cabsi Soo Food Saartay Afgaanistaan.

Daalibaan Ayaa Caan Ku Ah Inay Fuliyaan Ciqaab Arxan Darro Ah Waxaana Lagu Eedeeyay Inay Geysteen Dambiyo Dagaal.

Dhanka Kale Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, Ayaa Si Weyn U Difaacay Go’aanka Uu Ciidamada Dalkiisa Uga Saaray Afghanistan.

Waxa Uu Carrabka Ku Adkeeyay In Haddii Uu Baalmari Lahaa Heshiiskii Uu Trump La Galay Taalibaan, Uu Maraykanka Mar Kale Faraha La Geli Lahaa Dagaal Ba’an.

Biden Ayaa Dhanka Kale Tilmaamay In Haddii La Weerarro Ciidamada Maraykanka Ee Ku Guda Jira Hawlaha Daadgureynta, Ay Taasi Ka Dhalan Doonto Cawaaqib Aan La Mahdin.

 

No comments