Qiso Dhab Ah Oo Dalka Pakistaan Ka Dhacday. Sii Akhri .....
Dhakhtar Caan Ka Ah
Dalka Bakistan Kuna Taqasuusey Qaliinka Laguna Magacaabo Dr. Ishan Ayaa Maalin
Maalmaha Ka Mid Ah Tagey Garoonka Dayuuradaha Ee Ku Yaala Wadankiisa Pakistan Si
Uu Uga Qayb Galo Shir Heer Caalami Ah Oo Lagu Gudoon Siinayey Abaal Marin
Caalami Ah Oo Ku Mutaystay Guulihiisa Cilmiga
Dhakhtarnimada. Hal Saac Ka Dib Ayaa Waxaa Lagu War Geliyey In Diyaaradii
Xumaatay Ama Cilad Ay Gashey Si Kadis Ahna Garoonka Dayuuradaha Loogu Dejiyey. Intuu
Makarafoon Qabsaday Ayuu Yiri "Waxaan Ahay Dhakhtar Heer Caalamiya,
Daqiiqad Walbana Wexey Iila Mid Tahay Naf Aadami, Idinkuna 16 Saac Diyaarada
Sug Ayaad Dhehdeen". Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Airportka Ama Garoonka
Dayuuradaha Ayaa Ugu Jawaabey Hadii Deg-Deg Kugu Jiro Gaari Kaxayso Si Aad
Meeshaad Rabto U Gaarto 3 Saac Gudohood.
Fikradaa Wuu Aqbalay Wuxuuna Kaxaystay Gaari Ama
Baabuur Hase Yeeshee Isagoo Jidka Dhexe Sii Maraya Ayaa Roob Mahiigaan Ihi
Qabsaday, Aragii Iyo Socodkiina Ka Khal-Khaliyey, Laba Saac Kadibna Wuxuu
Ogaadey Inuuba Jidkii Ka Dhumay Wuxuu Dareemay Daal Iyo Diif. Wuxuu Arkay Guri
Markaasuu Albaabka Istaagey Oo Garaacay, Wuxuu Gudaha Ka Maqlay Islaan Waayeel Ah
Oo Leh "Soo Dhaaf" Cidaa Doonto Noqo E.
Gurigii Ayuu Galay Wuxuuna Islaantii Waayeelka
Ahayd Ka Codsaday Telefon Uu Dirsado Waxeyse Ugu Jawaabtey" Telefone, Kee
! ,Gurigaan Aan Koronto Iyo Khad Telefone Midna Lahayn, Miyaadan Garanayn Halka
Aad Joogto".
Fariiso Oo Naso Shaahna Cab Cuntadaana Cun Si Aad
Taag Iyo Tabar U Hesho.
Dr. Ishan Wuxuu U Mahad Celiyey Islaantii Waayeelka
Ahayd, Wuxuuna Bilaabay Inuu Cuntadiisii Iska Cuno Islaantii Salaadeedii Iyo
Ala Barigeedii Ayey Sii Wadatay, Wuxuu Si Kadis Ah U Arkay Cunug Ama Ilmo Yar
Oo Sariir Islaanta Dhinac Taal Jiifa Islaantuna Mar Kasta Oo Ay Tukato U
Ducayneyso Sariirtana Ruxeyso.
Islaantii Salaadii Iyo Ducadii Wey Dheeraysay,
Markaasuu Ku Yiri " Waxaa Iga Yaabiyey Deeqsinimadaada Iyo Dhaqan
Wanaagaaga Waxaana Eebbe Ka Filayaa Inuu Ducadaada Kuu Aqbalo".Islaantii Ayaa
Ugu Jawaabtey" Wiilkaygiiyow Adigu Waxaad Tahay Socoto, Socotada Ilaahay
Ayaa Nagala Dardaarmay, Ducooyinkaygase Ilaahay Wuu Aqbalay Mid Mooye.
Dr. Ishan Ayaa Yiri Ducada Aan La Aqbalin Waa Tee ?
.
Waxey Tiri: Cunugaan Ama Ilmhan Halkan Jiifa Ayeeyo
Ayaan U Ahay Waana Agoon Iyo Rajo, Waxaa Ku Dhacay Cudur Dhakhaatiirtii Aaga
Aan Ku Noolnahay Oo Dhami Ka Noogeen Ama Ka Daaleen Waxaana La Ii Sheegay Inuu Jiro
Dhakhtar Weyn Oo Qaliinka Qaabilsan Waxaa La Dhehaa Dr. Ishan Balse Wuu Naga
Dheeryahay Taag Aan Ugu Tagona Ma Hayo. Marka Ducada Ayaan Kaashadaa Si Ilaahay
Howshaas Iigu Fududeeyo.
Dr. Ishan Wuu Ilmeeyey Wuxuuna Yiri " Ducadaadii
Ayaa Diyaarada Kharibtay, Roobkana Soo Fatahdey, Si Aan Halkaan U Imaado. Walaahi
Weligay Ma Rumaysan In Eebbe Sidaan Oo Kale Adoomihiisa Ugu Soo Hago Waxey Ku
Alle Baryaan. Marka Sababaha Kaloo Dhana La Waayo Midka Waara Oo Aan Dhammaan
Waa Baryidda Abuuraha Cirka Iyo Dhulka. Halkaasna Waxaa Lagu Daweeyey Bukaankii
Yaraa.Fadlan Walaal Hadaad Akhrisay Qisadan Like Saar Soona Qor Mnsha Allah
(FADLAN WALAAL ADIGOO MAHADSAN SHARE DHEH SI AY DADKU UOGAADAAN FAA'IDADA IN ALLAH LABARYO)
Ka Faaidaysi Wacan | Soo Dhawaada.
FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYA
FACEBOOK COMMENTS
FACEBOOK COMMENTS